Qorshe ay Muuse Biixi iyo wafdi Kenya isku afgarteen oo fashilmay

Maalin ka hor waxaa Somaliland yimid wafdi isugu jiray xildhibaano iyo ganacsato ka socday gobolka Meru ee dalka Kenya, kuwaas oo suuq-geyn u raadinayay qaadka Miirowga ee gobolkaas ka baxa.

Ilo xog ogaal ah ayaa Puntland Post u sheegay in wafdiga Kenya ay Muuse Biixi kala hadleen sidii uu garoonka diyaaradaha Hargeysa uga degi lahaa qaadka Miirowga, waxaana qorshahaas qeyb ka ahaa ganacsato Soomaali ah oo qaadka ka ganacsata.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu aqbalay in qaadka Kenya uu ka soo dego Hargeysa, kadibna Soomaaliya inteeda kale dhulka u maro, balse qorshahaas ayaa maanta fashilmay.

Sabtidii maanta ayaa diyaarad qaad farabadan sida ka soo duushay Kenya, taas oo ku wajahnayd Hargeysa, balse dowladda Federaalka Soomaaliya oo maamusha hawada ayaa ku amartay diyaaradaas in ay dib u laabato, taas oo markii dambe ka degtay magaalada Wajeer ee gobolka Woqooyi Bari Kenya.

Kenya ayaa u arkaysay in qaadkeedu haysto fursad weyn, maadaama qaadkii Itoobiya uu qalalaasaha ka socda dalkaas awgeed u istaagay, kaas oo aan afartii maalmood ee u dambeysay iman Soomaaliya.

Qaadka Miirowga ee Kenya ayaa Soomaaliya iman tan iyo bartamihii bishii Maajo ee sanadkan, markaas oo dowladda Soomaaliya joojisay duullimaadyada dibada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ganaaxyo ku riday diyaarado dhowr jeer si dhuumaalaysiya qaadka Kenya u keenay dalka.

PUNTLAND POST