Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa saaka oo Sabtiya halkaasi ka daah furaya Imtixanka Shahaadiga ah ee Puntland.
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo Fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee Puntland waxaa u fariisan doona 16,500 oo arday.
5,447 oo kamid ah ardaydaas waa dugsiyada sare halka 11,053 arday ay yihiin fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.
Imtixaanaadka waxaa lagu gelayaa 132 goobood oo ku yaalla dhammaan degaannada Puntland waxaana ardayda loo diyaariyay agabka ka hortagga Xanuunka COVID-19.
PUNTLAND POST