Mahdi Guuleed oo ugu baaqay Baarlamaanka in aysan aqbalin Madasha Qaranka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad uu soo qabanqaabiyay maamulka Banaadir oo loo qabtay Golaha Shacabka ayaa sheegay in siyaasadda Somaaliya uu hago Baarlamaanka.

Guuleed wuxuu tilmaamay in nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya uu yahay nidaamka isugu dhexjira Madaxtooyo iyo Baarlamaanka, laakiin saldhigu yahay Baarlamaamka.

“Siyaasadda Soomaaliya waxaa haga Baarlmaanka, waa nidaam Baarlamaaniya, aasaaska dowladnimadeena Baarlamaankaa u ah, saldhig, marjaca sharcigu ka soo baxo awoodnimada lagu helo waa isaga, dunida aan ku matalnaa waa isaga, marjaca aan ku noqonaa waa isaga, bud-dhiga, saldhiga iyo aasaaska dowladnimadeenuba waa Baarlamaanka” ayuu yiri Mahdi M. Guuleed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa Baarlamaanka ugu baaqay in aysan aqbalin in Madasha Qaranka ay matalaan masiirka dalka.

“Ha aqbalinina in la idinyiraahdo 3 sano markaad jirtaan kala taga, 10 nina masiirka dalka ha matalaan, 10 nin sharci-dejiyeyaasha ha noqdaan, 10 nin siyaasadda dalka ha hoggaamiyaan”.

Isagoo hadalkiisa siiwata ayuu yiri “Ilaa Baarlamaan la soo doortay idin baddelo dowladnimada dalka saldhigeeda waa idinka, hayeelinina in kalataga la yiraahdo, waa dhallaankii hooyadiis dhalmada baray“.

Ugu dambeyna Mahdi Guuleed, ayaa Baarlmaanka kula dardaarmay in ay dalka gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod, oo sheegay in xukuumadduna fulinayso.

PUNTLAND POST