
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii xalay qasriga madaxtooyada Hargeysa ku qaabiley wefdi ka socday dalkaKenya oo ka koobnaa xildhibaano, siyaasiyiin iyo maalgashadayaal.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in wafdigu ay Madaxwaynaha Somaliland soo gaarsiiyeen Salaan ay uga sideen Madaxwaynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ujeedkooduna ahaa xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland iyo Kenya ee dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimaha geeska.
Sidoo kale Qoraalka waxaa lagu xusay in Madaxawaynaha Somaliland uu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay ugana mahad-celiyay wefdiga Kenya imaatinka ay Somaliland ku yimaadeen, isla markaana waxa uu ka gudoomay salaantii ay uga sideen madaxwaynaha dalka kenya,Uhuru kenyatta, isagoo ku bogaadiyay hoggaanka dalka Kenya horumarka dhaqaale iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi mudaba ku naaloonayay.
Sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu xusay dhaqdhaqaaqyada iyo isbedelada ka socda gobolka oo ay kow ka tahay wada-hadalada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland iyo sidii Kenya door firfircoon uga qaadan lahayd madaama ay kamid tahay dalalka muhiimka u ah horumarka gobolka kana mid tahay Urur goboleedka IGAD.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.