Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Isimada Mudug

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan qado ah kula yeeshay Isimada gobolka Mudug.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo Isimada gabolka Mudug ayaa looga hadlay amniga, nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta iyo guud ahaan horumarka gobolka.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo.

PUNTLANDMPOST