Farmaajo oo hambalyeeyay Danjire Abukar Baalle oo loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa u hambalyeeyay shacabka iyo Goleyaasha Dowladda, kaddib markii Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula xiriiray Madaxa Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo doortay Madaxwayne kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo uu kasbaday dalka sanadihii la soo dhaafay, taas oo ku aaddan go’aamadeenna arrimaha dibadda, aragtideenna siyaasadeed iyo in shacabkeenna Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin dowladdooda, ayna ka go’an tahay dib u dhiska dalka.

.Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey diblumaasiyiinta Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay soocelinta maqaamkii iyo doorkii hoggaamineed ee Soomaaliya ay  ku lahayd caalamka, isagoo u rajeeyey Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay in ay si mugleh uga soo dhalaalaan masuuliyadda adag ee loo doortay.

Dhankiisa, Danjire Abuukar Daahir Cismaan Abuukar Baalle ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalka uu ku guulaysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyay.

PUNTLAND POST