Soomaaliya oo xil sare ka qabatay Qaramada Midoobay

Soomaaliya ayaa muddo dheer kadib xil sare ka qabatay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa loo doortay Madaxweyne Ku xigeenka Golaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan fadhi-xileedka 75-aad ee 2020/2021.

Soomaaliya ayaa 33 sano kadib markii ugu horeysay dib u heshay kursigan oo ay markii saddexaad qabato.

Horaantii bishan ayaa Volkan Bozkır oo u dhashay dalka Turkiga loo doortay Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST