Somaliland: Mas’uuliyiin xilalkii laga qaaday iyo kuwo la isku baddelay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi ayaa xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay qaar kamid ah gudoomiyeyaasha gobolada Somaliland.

Muuse Biixi ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday guddoomiyeyaashii gobolada Awdal iyo Hawd Cabdiraxmaan Axmed Cali  iyo Yaasiin Maxamed Shide, sidoo kale isku baddelay guddoomiyeyaashii gobolada Sanaag, Saaxil, Gabilay iyo Saraar.

1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf ,Guddoomiyaha gobolka Awdal.

2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi, Guddoomiyaha gobolka Sanaag

3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale, Guddoomiyaha gobolka Saaxil.

4. Axmed Cige Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha gobolka Hawd.

5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, Guddoomiyaha gobolka Gabiley.

6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, Guddoomiyaha gobolka Saraar.

Hoos ka akhriso wareegtada Muuse Bixii.

PUNTLAND POST