Faroole: Madaxweyne Farmajo Bumbo ayuu ku dhex tuuray Aqalka sare

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland, haatanna ah Senetor ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa si adag uga horyimid Xeerka Mataaladda Gobolka Banaadir oo ay ansixiyeen Aqalka Hoose ee Baarlamanka.

Sen. Faroole, ayaa si adag u cambaareeyay Go’aanka ay Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen Xeerka Mataaladda Siyaasadeed ee gobolka Banaadir, kaas oo qeexaya in Gobolkaas Aqalka sare laga siiyo 13 xubnood.

Madaxweyne hore Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku eedeeyay, in ay isu xulafaysteen sidii loo meel-marin lahaa Xeerka Mataaladda Gobolka Banaadir, oo uu ku tilmaamay mid baal marsan Dastuurka Dalka.

Senetor. Faroole, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu si cad u jebiyay Dastuurkii iyo Shuruucdii Dalka ee lagu doortay, islamarkaana uu baal-maray wixii Dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen.

Mudane Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu sidoo kale Farmaajo ku eedeeyay in uusan aqoonsanayn Aqalka Sare ee Baarlamanka, sidaas darteedna uu doonayo in uu qalalaase siyaasadeed ka abuuro Aqalkaas.

Waxaa nasiib-darro ah, Bumbo in Farmaajo ku dhex tuuray Aqalka sare…. In uu yiraahdo Muqdisho oo uu afarta koone dhagaxyo kaga xiray, oo uu Jasiirad kaga noolyahay, Qayb kamid ah Degmadii Wardhiigley in uu Dadka Bumbo dhex dhigo” ayuu yiri Faroole.

PUNTLAND POST