UNSOM oo soo dhowaysay Warbixintii Xaliima Yareey

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa soo dhoweeyay Warbixintii ay Shalay Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ka jeedisay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Xaliima Yareey.

UNSOM waxay ugu mahadcelisay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil, soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay UNSOM.

Guddoomiye Xaliimo waxa ay soo bandhigtay noocyo doorasho, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay boorrinaysaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka waa tallaabo yididiilo leh oo xigta” ayuu sii raaciyay Qoraalka.

PUNTLAND POST