Kumaandooska DANAB oo Al-shabaab kala wareegay Degaano ka tirsan Jubada Hoose

Ciidanka Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB, ayaa lagu soo warramayaa in ay Al-shabaab kala wareegeen degaanno horleh oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay, ayaa laga soo xigtay  in Ciidamada ay la wareegeen degaannada kala ah, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe oo dhammaantood ka tirsan Gobolkaas Jubada Hoose.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska DANAB Gaashaanle  Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwa sii socda,isla markaana aysan joogsan doonin ilaa iyo inta Al-Shabaab ay ka saarayaan degaannada Jubbooyinka.

Maalmo ka hor, Ciidamada Kumaandoosta DANAB waxay howlgallo ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,waxaana saraakiisha horkaceysay howlgalka ay sheegeen inay la wareegeen Degaano ay haysteen Al-shabaab.

PUNTLAND POST