Xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo maanta Cod loo qaadayo

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta oo Sabtiya lagu wadaa in ay manata cod u qaadaan xeerka Matalaada gobolka Banaadir oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka doodaayeen.

Xeerka Matalaada gobolka Banaadir waxaa uu ka mid yahay xeerar maalmihii la soo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka yeesheen dood adag.

Guddiga xeerka doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in Matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare laga dhigay 7 ruux taas oo ay si adag uga horyimaadeen qaar kamid ah xildhibaannada.

Todobaadkii tegay In ka badan 130 xildhibaan ayaa Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ah in Xildhibaanada Aqalka Sare laga siiyo gobolka Banaadir 13 Xildhibaan

PUNTLAND POST