
Dagaal u dhexeeya laba beelood ayaa saaka oo Sabtiya ka qarxay degaanka Cawsane ee Gobolka Sanaag halkaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.
Dad ku sugan gudaha degaanka Cawsane ayaa ka soo warramaya in dagaalka labada beelood dhexmaraya uu salka ku hayo muran ka dhashay dhul beereed ku yaalla degaankaas oo dhinacyadu isku hayaan.
Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka oo mudda saacado ah socday inkastoo aysan jirin weli xog sugan oo laga helay tirada dhimashada iyo dhaawaca kala gaaray labada dhinac ee dagaallamaya.
Dagaalka ayaa haatan istaagay waxaase weli is hor fadhiya dhinacyadii dagaallamay iyadoo mararka qaar la maqlayo Rasaas goos-goos ah islamarkaana ma jirto cid weli kala dhex gashay labada beelood.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.