
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo Sabtiya Guddoomiye Cusub u magacaabay Gobolka Mudug kadib markii Gudodomiyihii hore ee Gobolka qarax lagu dilay bil ka hor.
Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug loogu magacaabay Ex. Xildhibaan Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare).
Mas’uulka cusub ee la magacaabay waxay walaalo yihiin Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo bishii tagtay ee May ku dhintay qarax lagula eegtay Afaafka hore ee Xarunta Gobolka Mudug.
Mudane Sanyare waa nin Siyaasadda mudda ku soo jiray sidoo kalena ka tirsanaan jiray Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Xilligii Xukuumaddii Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.