Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabtiya ansixiyay xeerka matalaada gobolka Banaadir oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka doodayeen.
Xeerka Matalaada gobolka Banaadir waxaa uu ka mid yahay xeerar maalmihii la soo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka yeesheen dood adag.
142 Mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u codeysay in gobolka Banaadir uu ku yeesho Aqalka Sare matalaad 13 Senator, halka 4 Mudane ay diiday.
Xeerka matalaada gobolka Banaadir ayaa dhigaya in Gobolkaas Aqalka Sare laga siiyo 13 xubnood taaso oo xildhibaannada qaarkood diidmo ka muujiyeen.
Todobaadkii tegay in ka badan 130 xildhibaan ayaa Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ah in Xildhibaanada Aqalka Sare laga siiyo gobolka Banaadir 13 Xildhibaan
PUNTLAND POST