Madaxweyne Muuse Biixi oo hal shardi ku xiray midnimada Soomaaliya

Somaliland ayaa xalay si weyn looga xusay 60-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii, oo ku beegan markii ay Xorriyadda qaateen Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Xuska Sannad-guurada 26-kii, waxa ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, xubno ka tisran Golayaasha Somaliland iyo hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda, waxana uu ka sheekeeyay waayihii Xorriyadda, midnimadii labada gobol ee koonfur iyo waqooyi, iyo sidoo kale ictiraafka Somaliland hadda raadinayso.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay qodob kamid ah arrimihii lagu heshiiyay Shirkii Jabuuti ee dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland isagoo fasiraad cusub ka bixiyay qodobkaas.

Ugu dambeyntii, wuxuu sheegay in keliya ay Soomaaliya dib ula midoobi karaan, haddii dhammaan dib loo midaynayo Shantii Soomaaliyeed.

Halkaan ka daawo Khudbaddiisa oo dhan

PUNTLAND POST