Dagaal ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Degmada Badhan

Ciidamo ka wada tirsan Puntland ayaa maanta oo Jimce ah ku dagaallamay garoonka diyaaradaha magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Goob-joogayaal ku sugan Degmada Badhan ayaa ku soo warramaya in rasaas culus oo laba dhinac ka dhacaysa laga maqlay gudaha Garoonka Diyaaradaha Badhan inkastoo aan weli xog sugan laga hayn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Labada Ciidan oo dagaallamay waxaa mid kood ka amar qaataa Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil halka Ciidanka kale uu ka amar qaato nin sarkaal ah oo lagu magacaabo Col. Cintile.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa sababay dagaalkaas iyo sidoo kale khasaaraha ka dhashay midna waxaase faahfaahinta kala socon doontaan Puntland Post.