Wararka ku xeeran safarka madaxweyne Deni

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Khamiis ah tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Madaxweyne Deni oo saaka safar kooban oo dhanka Cirka ah ku tegay magaalada Boosaaso ayaa tababarka u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka PMPF oo mudda 5 bilood ah tababar ku qaadanayay xerada Ciidanka Badda ee ku taalla duleedka Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa markii uu tababarka soo xiray wuxuu Boosaaso uga sii duulay dhanka magaalada Gaalkacyo halkaas oo kulamo kala duwan kula qaadan doono mas’uuliyiin dowladda iyo bulshada Gaalkacyo.

Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda Gaalkacyo kula kulmo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ka wada hadli doonaan arrimaha muhiimka u ah labada maamul.

PUNTLAND POST