
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta oo Khamiis ah shir guddoomiyay Kulanka golaha wasiirada maamulkaas oo ka qabsoomay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug oo looga warbixiyay kulanka ayaa lagu sheegay in looga hadlay Amniga gudaha Galmudug iyo Arrimaha dowladaha hoose.
Sidoo kale waxa qoraalka lagu xusay in kulankaas looga hadlay dekedaha iyo kalluumaysiga iyo arrimaha boostada iyo isgaarsiinta Galmudug.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.