Maxaad ka taqaan taariikh nololeedkii Marxuum Gen. Cali Baaddiye?

Allaha u naxariistee Marxuum Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cismaan Axmed-Cigan (Cali Baaddiye) wuxuu ku dhashay Qaroon-Madowle oo 10-km qiblada uga beegan Bookh 1948. Magaalada Bayra ayuu qur’aanka kariimka ah ku dhammeeyey halkaas oo uu dugsiga hoose ilaa fasalka 4aad ku qaatay.

1962 ayuu Gaalkacyo ugu wareegay dhammaystirka dugsiga hoose oo 5aad ku ekaa iyo 6aad, 7aad dugsiga dhexe. Dugsigii Media Centrale ayuu ku dhammaytsay 8aad, kaddibna dugsigii Scuole Media Superiore (Raage Ugaas noqday) ayuu dugsiga sare uga baxay.

June 1967 ayuu tartanka Layli Sarkaal ugu baxay dalkii Midowga Soofiyeeti. Magaalada Odensa ee hadda Ukrain noqotay ayuu Akadeemiyada saraakiisha, qaybta hoggaaminta iyo farsamada Tanks uga baxay 1970. Tababarka Commandos ayuu Hiilweyne (Balcad) ku qaatay waxaana loo magagaabay Abbaanduulaha (Taliye Xigeen) ururkii Tanks-ka Buulo-barde halkaas oo uu kula kulmay xaaskii carruurta waaweyn Murwo Shamso Maxamed-Carab Faarax Shuuriye (Beerlula – gabadha heesta Beledweyn loo qaaday).

Horraantii 1973 ayaa loo magacaabay Taliyaha Guutada 8aad ee Tankiga nooca T54 oo dalka ku cusbaa Dararweyne (18-km north of Hargaysa).

1974 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha degmada Gar-adag taasoo uu markii dambe degmonimadeedii ku wareejiyay Ceel-afweyn kadib amar gobol oo xiligaas saxiixay Cadde Muuse Xirsi Guddoomiyihii gobolka Sanaag.

1976 ayaa loo magacaabay Taliyaha waaxda tababarka hoggaaminta iyo farsamada Taangiyada ee kulliyaddii saraakiisha ee Jaalle Siyaad.

Jan. 1977 ayaa loo magacaabay isaga oo G/Dhexe ah Taliyaha Jabhaddii Liibaan ee Soomaali Abbow halkaas oo uu qabtay ilaa caasimadda gobolka Sidaamo Awaasa oo Nagele 120-km xagga Addis Ababa ka xigta.

Soo noqoshadii ciidamada Soomaaliya May 24, 1978 ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Jubbada Dhexe oo caasimaddu Dujuma ahayd markaas, isagoon wali gaarin Dujuma ee Baydhabo jooga ayaa Inqilaabkii 9 April dhicisoobey, 10kii April 1978 ayaana laga soo xiray Baydhabo.

Taliskii Maxamed Siyaad Barre ayaa 30 sano oo xabsi sharci darro ah ku xukumay kaasoo uu Godka Laanta Buur – Afgooye ku jirey ilaa 18kii Nov. 1989. Kaddib wuxuu u soo wareegay Gaalkacyo, wuxuuna hoggaamiyey Guuto 2aad oo aagga Shilaabo ilaa Balanbal ka saartay jabhadii USC.

22 Feb. 1991 ayaa Guddoomiyihii SSDF Gen. Maxamed Abshir Muuse u magacaabay Maamulkii Woqooyi Bari Soomaaliya Muddiirka Gaashaandhigga.

Muddadii dib u habaynta wuxuu kamid ahaa Taliska xaaladda deg dega ee difaaca Woqooyi/Puntland. Wuxuu ka qaybqaatay heshiisiintii Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse iyo midayntii ciidamada .

2008 ayaa Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland loo magacaabay, base muddo yar kaddib wuu iska casiley.

Wixii intaas ka dambeeyey Gen. Abdirisaaq wuxuu ka shaqeynayay difaaca iyo horumarka gobolka Mudug.

Ugu dambeyna Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cismaan (Cali Baaddiye) wuxuu saaka ku geeriyooday magaalada Qabribayax ee dowlad degaanka Soomaalida.

PUNTLAND POST