![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2020/06/Dirir-iyo-Cabbaas.png?resize=494%2C455&ssl=1)
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku beddelay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidamada Militariga Soomaaliya.
Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Taliyaha Badda loogu magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka Militariga Soomaaliya.
Dikreetada ayaa sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka loogu magacaabay Sarreeye Guuto Cabbaas Amiin Cali oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa labada Taliye ee xilalka loo kala beddelay u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo waajibaadka qaran ee loo igmaday.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.