Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salad (Oomaar) ayaa sheegay in la dhameytiray sharciga hay’adda duulista rayidka isla markaan kaliya ay ka dhimman yihiin xeer hoosaadyo u fududayn doona dowladda Soomaaliya in ay awood u yeelato diiwaan-gelinta diyaaradaha ka howl-gal dalka iyo bixinta ruqsadaha wadida diyaaradaha.
Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dhawaan ,madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu bixin doono leesinkii ugu horeeyay ee la siinayo bayloodyada diyaaradaha oo aysan Soomaaliya bixin tan iyo burburkii kadib 1991-dii.
“Laga bilaabo bilaha soo socda waxaan bilaabi doonaa in bixino adeegyada ay u baahanyihiin diyaaradaha sida leesinka iyo diwaan galinta diyaaradaha ay keensadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo hore ugeyn jirin dalalka Kenyada iyo itoobiya balse hada ka dib ma dhaceyso waana ku guuleysanayay inaan dhameystirka sharcigi lagu dhaqi lahaa”ayuu yiri wasiirka Oomaar.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in haatan ay fududahay in la soo celiyo diyaaradii Soomaali Airline ka dib dhammaystirka Sharciga hay’adda duulista rayidka isla markaana sharuudaha ugu badan ee soo celinteeda ay aheyd sharcigaas.
“Sameynta sharciga lagu diwaan galinayo iyo soo celinta diyaaradii Soomaali airlen waxaa laba aan kala harin ,hadane waa inoo fududahay in dib usoo celinayay maadaama aan gaarnay isku filnaasho “Wasiirka Oomaar.
Madaxweyne Farmaajo ayaa 21 bishaan saxiixay sharciga hay’adda duulista rayidka kaasi oo dhameystirayo awooda iyo sharuucda ay kula shaqaynayso dhigeeda hay’addaha kale ee Caalamka.
PUNTLAND POST