Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Saldhiga Turkiga ee Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah ayaa saaka oo Talaado ah ka dhacay saldhiga Ciidamada Militariga Turkigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee TURKISOM halkaas oo lagu tababaro Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya

Qaraxa waxaa fuliyay Qof isku soo xiray walxaha qarxa oo doonayay in uu isku miidaamiyo dhalinyaro saf ku jiray oo loo diyaarinayay tababar inkastoo aysan u suura-gelin in uu safka isku qarxiyo.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamadu ay toogteen qofka is qarxinayay ka hor inta uusan dhex galin safka dhalinyarada tababarka loo diyaarinayay taasina ay khasaaraha yaraysay.

Qofkii isqarxiyay oo keliya ayaa la sheegay in uu goobta ku dhintay halka ay dhaawacyo soo gaareen qaar kamid ah askarta xeradaasi ku sugnayd.

Saldhigga Milateri ee Turkiga ku leeyahay Muqdisho waa goob amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo waxaana lagu tababaraa Ciidamada Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Milateri.

PUNTLAND POST