Gaalkacyo: Waddo Shan sano u xirnayd khilaaf oo la furay

Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ku guuleystay in ay furaan waddo muddo sano ah u xirnayd khilaaf, taas oo dhanka galbeed isaga xirta magaalada Gaalkacyo.

Wadadan oo lagu magacaabo Durdur ayaa sanadkii 2015 dhismaheeda laga dhagax-dhigay xaafadda Garsoor, balse khilaaf sababay dagaalo dhimasho iyo dhaawac ka dhashay ayaa ku dhexmaray Puntland iyo Galmudug.

Maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland, Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire, Senator Cabdi-qaybdiid, Taliyihii hore ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Gen. Cabdiweli Gorod, iyo mas’uuliyiin horey gobolka xilal uga soo qabtay Puntland iyo Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa furista wadada.

Mas’uuliyiinta ayaa furitaanka wadadan ku tilmaamay talaabo horay loo qaaday oo ka mid ah talaabooyinka horumarka ee Gaalkacyo.

Puntland iyo Galmudug ayaa muddooyinkii u dambeeyay is kaashi amni iyo horumarineed ka waday gobolka Mudug.

PUNTLAND POST