Villa Somalia oo ka hadashay shir ay yeesheen DFS iyo dowlad goboleedyada

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maanta oo Isniin ah shir ku yeeshay aaladda Internetka.

Shirka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, dhammaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkaas lagu heshiiyey in si degdeg shir u qabsoomo, iyada oo Madaxweyne Farmaajo uu go’aaminayo goobta iyo wakhtiga lagu qabanayo shirkaas.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Madaxweyne Farmaajo madaxda shirka ka qeybgashay uga warbixiyey wadahadallada Jabuuti uga furmay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Shirka Jabuuti waxaa horay u qaadacday Puntland oo sheegtay in aysan aqbali doonin natiijo kasta oo ka soo baxda.

PUNTLAND POST