Qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha Buulo-barde

Qarax miino ayaa ka dhacay garoonka diyaarahada degmada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.

Qarax oo dhacay xalay, ma jiro wax khasaaro nafeed ah oo la ogyahay oo dhashay, balse wuxuu burburiyay dhismaha hoolka nasashada ee garoonka oo dhawaan la dhisay.

Sawirro laga soo qaaday gudaha garoonka laguna faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burburka soo gaaray qeybta nasashada ee garoonka.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta xiran waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa garoonka, waxayna wadaan howlgalo baaritaan.

Qaraxa ma jirto weli cid sheegtay mas’suuliyadiisa, belse Al-shabaab ayaa wareero ka geysta garoomada diyaaradaha Koonfurta Soomaaliya.

PUNTLAND POST