Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Duulista Maareeye cusubna magacaabay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa  Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka u magacaabay Axmed Macalin Xasan sida ku cad Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

PUNTLAND POST