Baarlamaanka dalka Kenya, ayaa saaka xilka ka qaaday Aadan Barre Ducaale, oo ahaa hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalkaasi, sida ay soo tebisay Warbaahinta Kenya.
Xilka hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Keyna, waxaa loo doortay in uu noqdo Amos Kimunya, isagoo bedelaya Aadan Barre, isla markaana waxa Isbedel lagu sameeyay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Kulanka xilka loo qaaday Hoggaamiye Aadan Cadde, waxaa shir Guddoomiyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata, waxaana ka qayb-galay xubnaha Xisbiga talada Kenya haya .
Sidoo kale, Xoghayaha Isbaheysiga talada dalka Kenya haya ee Jubillee waxaa isna loo magacaabay Adan Kaynaan, oo kasoo jeeda Gobolka Waqooyi Barri.
Hoggaamiyihii Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, ayaa waxaa uu ahaa siyaasi Soomaali ah oo lagu tilmaami jiray ninka saddexaad ee ugu awoodda badan Kenya.
PUNTLAND POST