DANAB oo dilay laba sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab degaanno kala duwan ka qabsaday

Ciidamadda kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay  al-shabaab ka saareen degaanada Jilib Marko iyo Gendershe oo ka tirsan degmada marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ujeedkiisu ahaa in malayshiyaadka Al-shabaab  laga xoreeyo dhulka xeebta ee u dhexeeyo degaanka Jasiira iyo degmada marko.

G/sare Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in sidoo kale hawlgalka lagu dilay laba horjooge oo Al-shabaab u qaabilsanaa degaanada xeebta ah ee ay ciidamadda la wareegeen.

Maalin ayaa magacyada saraakiisha la dilay ku sheegay  horjooge xeroowiyo horjooge ciise yare inkastoo uusan faahfaahin kale ka bixin.

PUNTLAND POST