Xero ciidan oo ku taala Galmudug oo la weeraray

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo saaka lagu weeraray xerada 2-aad ee ciidamadda dowladda Federaalka Somaliya ay ku leeyihiin degaanka Bacaadweyn ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamadda dowladda Soomaaliya, qarax waxaa ku dhintay inta la hubo labo askari oo ka tirsan ciidamada qaybta 21-aad, halka ay ku dhaawacmeen labo kale.

Qaraxa ayaa dhacay abaaro 6: 30 subaxnimo, kadib markii gaariga xawaare sare ku socday lagu dhuftay albaabka hore ee xerada ciidamadda 21-aad, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah.

Saraakiisha ciidamada ee aagaas ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano la xariira qaabka uu qaraxa u dhacay, waxayna ku eedeeyeen in ay ka dambeysay kooxda Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa weeraro ismiidaamin ah marar badan la beegsay saldhigyo ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

PUNTLAND POST