Puntland oo digniin u dirtay Somaliland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku amray ciidamada inay u diyaar garoobaan difaaca xuduudaha Puntland, wuxuuna fariin adag u diray Somaliland.

“Waxaan rajaynayaa ciidamada Puntland inay u diyaar garoobaan inay sugaan xuduudaha Puntland ee Dastuurku nafarayo. Puntland waa astaanta midnimada Soomaaliyeed, Puntland waa astaanta kala dambaynta iyo xasiloonida, maamul wanaagga iyo dowladnimada, Puntland waxay ku naaloonaysaa in dadkeeda nabad ku noolaadaan, degaanada kale ee Soomaaliyana ay gacan ka geysato”. ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni oo hadalkan ka jeediyay xero ciidan ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay heshiis la gasho Somaliland, balse haddii ay ka weydo ay awood ku soo ceshanayso dhulka ka maqan.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa cadaw kasta oo Puntland leedahay ha ahaadeen argagixiso ama kuwa ku soo duulay dhulka Puntland inaad u diyaargarawdaan. Puntland waxay diyaar u tahay inay nidaamkeeda dastuurka ah kula dhaqanto, soo celiso dhulka ka maqan, cidkasta oo nabad iyo wadahadal laga heli karo ay la gasho heshiis, haddii ay ka weydana ay awood ku soo ceshanayso, waxaan ugu baaqaynaa Somaliland si sharaf leh dhulka Puntland uga baxdo, dhiig walaal madoonayno, horumar baan rabnaa, deris wanaag baan rabnaa” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Puntland iyo Somaliland ayaa muddo labaatan sano ka badan isku haya gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxaana marar badan ku dhexmaray dagaalo dhiig badani ku daatay.

8 January, 2018, magaalada Tukaraq oo Kastam iyo fariisin ciidan u ahayd Puntland muddo, waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ka tirsan Somaliland, kadib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay.

Degaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxaa hadda isku hor-fadhiya ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo sanadkii 2018 labo jeer dagaal kharaar ku dhexmaray.

PUNTLAND POST