Isimo si kulul uga hadlay wadahadalada DFS iyo Somaliland

Isimada gobolada Sool iyo Ceyn ayaa si kulul uga hadlay wadahadalada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somalilad ee Jabuuti.

Siddeed Isim oo kala ah; Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Ugaas Faarax Dheexe, Garaad Saleebaan Buraale, Boqor Cabdullaahi Dabagooye, Garaad Cabdisalaan Maxamed, Suldaan Siciid Cali iyo Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi oo shir jaraa’id ku qabtay degaanka Hadhwanaag (Garac-lagudhal) ee gobolka Sool ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay ka fiirsato cidda ay wadahadalada lagu galayso Jabuuti.

Isimada ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu matalo oo kaliya beelaha dega gobolada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer, uusana mataglin gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee isimada.

PUNTAND POST