Haweenka oo loo xiray kuraasta labada Aqal ay ku leeyihiin

Golaha Shacab ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Mudisho ayaa ansixiyay xeerka qoondada haweenka ee doorashada.

Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana dood dheer kadib 134 Xildhibaan ay ogolaadeen in kuraasta haweenka aan lagu darin kuwa raga oo loo gaar yeelo, halka 7 Xildhibaan ay diideen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijadda codeynta xeerka qoondada Haweenka ee doorashada ee Golaha Shacabka u soo gudbiyay Guddiga KMG ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka.

Xeerka ay maanta ansixiyeen Golaha Shacabka ayaa dhigaya in kuraasta labada Aqal ee haweenku hadda haystaan ay u tartami karaan oo kaliya haween.

PUNTLAND POST