Deni: DFS waxay isku koobtay shaqaalaha Beesha Caalamka ee dib u dhiska ciidanka iyo sugidda Amniga

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xerada ciidanka Xorgoble ee degmada Qardho tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan daraawiishta.

Ciidankan tababarku loo soo xiray oo ahaa dufcadii 2-aad ayaa ka kala yimi dugsiyada Xorgoble, Badhan iyo Xerada 54-aad ee Taliska Ciidanka Daraawiishta.

Madaxweyne Deni oo la dardaarmay ciidanka maanta tababarku u soo xirmay ayaa sheegay in Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba uu farayo dowladda ilaalinta sharafta shacabka.

Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya isku koobtay dhaqaalaha Beesha caalamku ku bixiyo dib u dhiska diidamada Soomaaliya iyo sugidda Amniga.

“Sida Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba farayo dowladda waajibaadka lagarabo waa ilaalinta sharafta karaamada iyo amniga ummadda ay u shaqaynayso, shaqadaasina waxaa laga rabaa waa ciidamada, sidaasi daraadeedna waxaa Xukuumadda ka go’an in ahmiyadda koowaad, labaad iyo Sadexaadba la siiyo dhismaha ciidamada kor u qaadidda noloshooda, dhammaystirka agabkii ay ku shaqayn lahaayeen, si ay u noqdaan dad waajibkooda gaara” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Waxaa nasiibdaro ah iyadoo aduunka uu uga baxo boqolaal million oo dollar sidii Soomaaliya uga caawin lahaayeen Amniga, iyo dhismaha ciidanka in wixii ay ka mudnaayeen Puntland inaysan ka helin DFS, taas waxaan rajaynayaa in caalamku garto. Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ah hanti ay hayaan loogu dudimaayo, balse waa in aysan caqabad ku noqon waxa beesha caalamka laga helayo, waxaan rajaynayaa in caqligu uu taliyo, duruuf walbaa deegaannada kale waa ka jirtaa, hadana cadawgu meel walba waa joogaa, dhismaha ciidankana meelwalba waa looga baahan yahay” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni waxaa munaasabada soo xiritaanka tababarka ciidamada kala qeybgalay wasiiro, taliyeyaal ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

PUNTLAND POST