Xildhibaan buuq kala kulmay kulankii Baarlamaanka

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagaga buuqay kulankii Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa ka hadli lahaa qodob aan ku jirin ajandaha Baarlamaanka oo ahaa khilaafka dowladda Federaalka iyo dowladd goboleedyada, balse qaar kamid ah xildhibaanada ayaa buuq iyo sawaxan ku furay, kadibna guddoonka Baarlamaanka ayaa ka codsay in uu kaliya ka hadlo qodobkii ajandaha oo ahaa ka doodista xeer qoondada haweenka.

“Sharciga hadda lagu magacaabay guddiga dhameystirka afarta qodob, waxaa ku qoran qorobkiisa saddexaad ee uu saxiixay Guddoomiyaha Gohala shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka sare, in lala soo tashado dowladda goboleedyada iyo saamilayda siyaasadda” ayuu yiri Xildhibaan Xasan ka hor inta aan buuq ku furmin.

Xasan Yare ayaa ahaa xildhibaankii firinbiga ku yeeriyay Madaxweyne Farmaajo markii khubada ka jeedinayay furitaankii kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka.

PUNTLAND POST