Miyuu fashilmay qorshihii Qadar ee dhismaha dekadda Hobyo?

Magaalo xeebeedka qadiimiga ah Hobyo ee gobolka Mudug waxaa xalay ka dhacday munaasabad lagu daahfuray dhismaha dekadda Hobyo.

Munaasabada waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Xildhibaano ka tirsan Federaalka oo ay hoggaaminayeem Guddoomiye ku xigeenada labada Aqal Abshir Bukhaari iyo Mahad Cawad, siyaasiyiin, ganacsato iyo odoyaasha dhaqanka.

Madaxweynaha Galmudug oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in dekadda Hobyo lagu dhisayo isku tashi, islamarkaana codsaday in ganacsatadda iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay taageero u fidiyaan.

Wasiirka Dekeddaha iyo Kaluumeysiga Galmudug Saabir Nuur Shuuriye oo wasaaradiisu soo qabanqaabisay munaasabada ayaa tilmaamay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha dekadda Hobyo oo ay maalganiyaan reer Galmudug.

Dhismaha dekadda Hobyo, waxaa la sheegay in wajiga kowaad ay ku bixi doonto 90 Milyan oo doolar, waxaana intii munaasabadu socotay lacago ugu yaboohay qaar kamid ah dadkii ka soo gaybgalay daahfurka.

Bishii July ee sanadkii 2018, waxaa Hobyo booqday wafdi ka socday dowladda Qadar oo ay wehelinayeen Wasiirka Dekedaha dowladda Federaalla Soomaaliya iyo madaxweyihii hore ee Galmudug, waxaana booqashadaas lagu sheegay qiimeyn lagu sameynayay dhismaha dekadda Hobyo.

Bishii Agoosto sandkii hore 2019, dowladda Qadar ayaa sheegtay in ay bilaabayso dhismaha dekadda Hobyo oo loo dhisayo qaab casri ah, ayna ku maal-galinayso wajiga kowaad lacag dhan 174 Milyan oo doolar, balse ilaa iyo hadda ma jiro wax ka hirgalay balantii Qadar.

Dowladda Qadar waxay hadalkan ku shaacisay munaasabad xiligaas ka dhacday Muqdisho, oo ay goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynihii hore Galmudug Xaaf iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyanaha Galmudug ee dhawaan la doortay oo isbedel weyn ka sameeyay degaanada Galmudug ayaa hadda dhexda u xiray dhismaha dekadda Hobyo oo muddo dheer sugaysay maalgalinta dal shisheeye.

PUNTLAND POST