Maxkamad ay leeyihiin Al-shabaab oo xukuntay Rag ku eedaysnaa Kufsi

Maxkamad ay leeyihiin ururka Al-shabaab oo ku taalla Tuulada Galhareeri ayaa xukuntay rag ay ku eedaysay in ay kufsi ka gaysteen Degaankaas.

Labada eedaysane oo lagu kala magacaabo Maxamed Yuusuf Maxamed iyo Cabdifitaax Salaad Cabdi  ayaa midkiiba lagu xukumay min 100 jeedal maadaama aysan soo marin guur hore sida ay sheegtay Maxkamadda Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa lagu xukumay in ay bixiyaan 14 oo ari ah oo lagu qiimeeyay meherka gabadha la kufsaday waxaana mudda hal sanno ah laga musaafuriyay Degaanka la sheegay in ay kufsiga ka gaysteen.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa inta badan xukunno  noocaas ah  ka fuliya Degaannada ay ka maamulaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST