Kismaayo: Seeraar oo soo dhaweeyey is fahanka DFS iyo Jubbaland

Cabdinaasir Seeraar Maax oo ka mid ahaa hoggaanka golihii is-bedel doonka Jubbaland ee heshiiska la galay Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo.

Cabdinaasir Seeraar ayaa ka hadlay heshiiskii Nairobi, isu soo dhawaanshaha dowladda Federaalka iyo Jubbaland, dib u heshiisiinta Jubbaland iyo xoraynta dhulka maqan.

Seeraar ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay heshiiskii 23 bishii April ee sanadkan hoggaanka golihii is-bedel doonka Jubbaland iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ku dhexmaray magaalada Niarobi, wuxuuna ugu baaqay dadka wali ka aragti duwan maamulka Jubbaland in ay ku soo biiraan, si loo dhiso Jubbaland cusub oo looga wada shaqeeyo nabadgalyada, horumarka iyo xoraynta dhulka maqan.

Dhanka kale Seeraar ayaa soo dhaweeyey is fahanka dowladda Federaalka iyo Jubbaland, wuxuuna xusay in arrintaasi ay meesha ka saari doonto caqabado badan oo jiray, isagoo uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyna Seeraar wuxuu sheegay inuu ka shaqeyn doono xoraynta dhulka ka maqan Jubbaland ee ku jira gacanta Al-shabaab.

PUNTLAND POST