Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay fadhigoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka oo xalay farriin qoraaleed loogu diray Xildhibaannada ayaa lagu sheegay Doodista xeerka Qoondada Haweenka oo ka mid ah Afartii Xeer ee loo gudbiyay Golaha.
Xildhibaannadu waxay si adag uga doodi doonaan habka ugu habboon ee lagu xaqiijin karo Qoondada Haweenka Soomaaliyeed ee Baarlamanka in la gaarsiiyo %30.
PUNTLAND POST