Baarlamaanka Soomaaliya oo gudbiyay mooshin

Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Guddoomiye Mursal u gudbiyay Mooshin.

Mooshinka oo ay ku saxiixnaayeen 132 Xildhibaan ayaa ku saabsan haweenka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay kuraastooda u tartamaan haween kaliya, si loo xaqiijiyo qoondada haweenka.

“Mudane Guddoomiye anaga oo ah xildhibaanada halkan ku saxiixan waxaan soo jeedinaynaa mooshin ah, in haweenka labada aqal ee taradoodu tahay 24% in ay kuraastooda u tartamaan haween kaliya, si loo xaqiijiyo qoondada haweenka ugu yaraan 30%, si waafagsan qodobka 23 ee sharciga doorashooyinka qaranka Federaalka” ayay tiri Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim oo mooshinka ka hor akhrisay Baarlamaanka.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa fadhiyay 156 mudane, waxaana ajandayaasha kamid ahaa ka doodista xeerka qoontada haweenka.

PUNTLAND POST