Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka hadlay weriyeyaal lagu xiray Somaliland

Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray saddex weriye oo lagu xirtay Somaliland.

Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo ku xiray weriyeyaasha kala ah Khadar Rigaax, Jaabir Siciid Ducaale iyo Khadar Tarabi, kadib markii ay tabiyeen cabasho dadweyne.

Hoos ka Akhriso war-Saxaafadeed kasoo baxay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS).

MUQDISHO, Soomalyia, 19 Juun 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga is xig xigay ee ciidamada ammaanka Somaliland ay u geysteen suxufiyiin ku kala sugan gobolada Sool iyo Sanaag.

Ciidanka booliska ee magaalada Laascaanood ayaa xabsiga u taxaabay weriyayaasha kala ah: Khadar Maxamed Tarabi oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable iyo Khadar Rigaah Axmed, oo ka howlgala Telefshinka Universal TV maalinimadii Talaadada 16 Juun, abbaare 9:00 subaxnimo. Xarigga weriyayaasha ayaa yimid xilli ay ku howlanaayeen soo tebinta isu imaatin dadweyne cabasho ka qabay shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland u dhexeeyay ee ka dhacay dalka Jabuuti. Suxufiyiinta ayaa lagu hayay xabsiga dhexe ee Laascaanood, waxaana xorriyadooda ay dib u heleen maalinnimadii Arbacadii 17 Juun abbaare 5:30 galabnimo iyagoo wax dembi ah aanan lagu soo oogin.

Booliska dembi baarista ee CID-da magaalada Ceerigaabo ayaa xiray weriye Jaabir Saciid Ducaale (Bulshaawi) oo ka howlgala telefishinka Horyaal24 TV maalinnimadii Talaadada ee 16 Juun isagoo markaasi ku howlanaa tebinta warar la xiriira cabashooyin laga muujinayay hannaanka ka qeybgalka wada-hadalada u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Weriyaha ayaa la sii daayay maalinnimadii Arbacada 17 Juun iyadoo shuruud looga dhigay in uu boolisku xiligii ay u baahdaan ay u yeeri doonaan.


Dhanka kale, maamulka gobolka Gedo ayaa magaalada Buurdhuubo ku xiray weriye Bishaar Ibraahim Adan 10 Juun, 2020. Sida uu weriyaha iyo labo saxafi oo kale u sheegeen SJS, xarigga ayaa ka dambeeyay kadib markii lagu eedeeyay weriyaha in uusan si wanaagsan u tebinin wararka u xaglinaya maamulka gobolka Gedo ee ay magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Suxufiga ayaa markii dambe xorriyadiisa dib u helay iyadoo aan wax dacwad ah lagu oogin.

“Xarigga loo geysanayo suxufiyiinta ku guda jira waajibaadkooda shaqo iyo in xabsiga lagu hayo iyagoo wax dembi lahayn iyadoo looga gol leeyahay in lagu aamusiyo tebinta wararka madaxa-bannaa, ma ahan kaliya xadgudub ka dhan ah xuququuqdooda aas-aasiga ah ee ku saleysan xorriyadda hadalka iyo tan fikirka ee lagu damaanad qaaday Dastuurada Dowladda Federaalka ah iyo kan Somaliland, ee waxaa ka ratibmaya xadgudub ka dhan ah xuquuqda bani’aadanimo ee ay leeyihiin warfidiyeenkaasi,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri isagoo ugu baaqay maamulada Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xurmeeyaan xaqa helista xogta, una ogolaadaan suxufiyiin inay ku shaqeeyaan deegaan nabdoon iyagoon wax cabsi ah ka qabin aargoosi.