Jaamacadda Carabta oo taageero u muujisay shirkii Jabuuti

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-Qeyd ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaallada Madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Geele uu ku martigaliyey shirkii dhexdhexaadinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo bishan June 14keeda ku qabsoomay caasimada Jabuuti.

Qoraal lagu baahiyay Warbaahinta Qaranka ayaa lagu sheegay in Abuu Al-Qeyd dhambaal uu u diray Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ku ammaanay dadaalkiisa ku aadan wadahallada, uuna u xaqiijiyay in Jaamacadda Carabta ay garab taagantahay Soomaaliya iyo ka miradhalinta dadaalkan, isagoona balanqaaday inay sii wadi doonaa gacan ka geysiga arrimaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Abuu Al-Qeyt uu dhambaal qoraal ah u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, uuna ku bogaadiyey gogosha uu fidiyey, iyada oo Jaamacadda Carabta ay muujisay taageeradeeda buuxda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dadaal kasta ku bixiyaan kamiro dhalinta hanaaankan wadahadallada.

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay sare u qaaddida taageerada Jaamacadda Carabta u hayso Soomaaliya iyo dadaalada iskaashiga isdhexgalka Gobolka.

PUNTLAND POST