Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayey ee ka qayb-galay wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi.
boqollaal ka tirsan qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo ay hoggaaminayaan mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa kaga hortegay xayndaabka madaarka Cigaal International Airport.
Madaxweyne Biixi ayaa markii uu soo gaaray xarunta madaxtooyada Hargeysa wuxuu halkaasi ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay wada-hadalladii labada dhinac ee dowladda Federaalka iyo Somaliland ku dhexmaray waddanka Jabuuti.
Halkaan ka daawo Khudbadda oo dhammaystiran
PUNTLAND POST