Maxaabiista la soo celiyay maanta
13 maxbuus oo laga soo daayay xabsiyada waddanka Cummaan ayaa maanta oo Khamiis ah dib loogu soo celiyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Maxaabiistan oo mudda sagaal sannadood ah arrima la xiriira Burcad-badeednimo ugu xirnaa waddanka Cummaan ayaa waxa maalmihii u dambeeyay socday dadaallo lagu sii daynayo kuwaas oo ugu dambayntii lagu guulaystay.
Qaar kamid ah maxaabiista oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin xorriyadooda ay dib u heleen kadib mudda ay ku dhibaataysnaayeen xabsiyada waddankaasi Cummaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.