Maxaa ka soo baxay shirkii Jabuuti?

Guddigii farsamada wadahadalada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday dalka Jabuuti ayaa goordhaweyd soo gebageboobay.

Shirka waxaa ka soo baxay oo labada dhinac ay ku heshiiyeen hal qodob oo ah in wadahadalada iyo doodaha lasii wado, waxaana moodaa oo kaliya in afka laga dhowray waa burburay.

Guddiga labada dhinac oo saddexdii maalmood ee la soo dhafay wadahadalku u socday ayaa isku mariwaayay qaar kamid ah qodobadii laga wadahadlay.

Qodobada laysku fahmiwaayay ee dib loo dhigay waxaa ka mid ah isu socodka siyaasiyiin ee labada dhinac iyo maamulka hawada.

Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo dalkiisu martigaliyay shirka ayaa faahfaahiyay wadahadalada labada dhinac.

PUNTLAND POST