Kalfadhiga Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, Fadhigiisa 4-aad oo qabsoomay Maanta oo Khamiis ah, ayaa lagu ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 46-aad oo ka kooban 15 Qodob.
Fadhiga Maanta oo ay soo xaadireen37 Mudane, waxaa shir guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka kowaad Avv. Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku xigeenka labaad Avv. Ismaaciil Maxamed Warsame.
Ajandaha oo cod gacan-taag ah la geliyay, waxa u codeeyay 35 xubnood, waxaana ka aamusay 2 Mudane oo keliya, mana jirin cid diidday sidaas ayuuna Ajanduhu ku ansaxay.
Qodobada Ajandaha ugu muhiimsan waxa kamid ah La-xisaabtanka Xukuumadda, Ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Dib u-eegista Heshiiska DP World ee Dhismaha iyo Ballaarinta Dekedda Boosaaso.
Waxaase Ajandaha ku cusub ka Doodista Amniga Golaha Wakiilada, in loo helo xarun Cusub Golaha iyo sidoo kale Qodob la xiriira Doorashada Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.
Halkaan ka akhriso Ajandaha


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.