Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa ka socda qaban-qaabada muddaharaadyo looga horjeedo hannaanka loo qaybiyay Afarta Waaxood ee Boosaaso sida ay Puntland Post u sheegeen qaar kamid ah dadka abaabulkaas wada.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada ka taagnaa muran la xiriira sida loo qaybiyay Afarta Waaxood ee Boosaaso waxaana Bulshada halkaasi deggan qaarkood cabashooyin u gudbiyeen maamulka degmada Boosaaso inkastoo sida ay sheegeen aan laga hoos-qaadin Cabashooyinkaas.
Qaban-qaabiyaasha Muddaharaadka ayaa gudaha Boosaaso ka wada abaabulka iyo diyaarinta bannaan-baxyo ay doonayaan in la qabto Jimcaha soo socda haddii aysan maamulka degmada wax ka beddelin habka loo qaybiyay waaxyaha magaalada.
Dadkaasi qaarkood ayaa sidoo kale wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ku eedaynaya in ay fitno ka abuurtay demada Boosaaso maadaama sida ay sheegeen aan cadaalad lagu qaybin Waaxyaha la sameeyay.
PUNTLAND POST