Ciidamada Millateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay wehlinayeen cutubyo ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee ku hawlgala AMISOM ayaa hawlgal Wadajir ah ka fuliyay Galbeedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Saraakiisha Ciidamada Militariga Soomaaliyawaxaa ay sheegeen in ay ka jawaabayeen weerar hoobiyeyaal ah oo habeen ka hor Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne.
Sidoo kale Saraakiisha waxay sheegeen in ay hawlgalkaasi kula wareegeen degaanka Luug Jeeloow oo 25km dhinaca Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne halkaas oo ay horay ugu xoogganaayeen malayshiyaadka Al-shabaab.
Hawlgalka Wadajir ah ayaa lagu burburiyayfariisimo ay Al-Shabaab Gaadiidka lacago uga qaadi jireen waxaana ay kasoo furteen Maxaabiis laba ah oo halkaas ugu xirnaa sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha.
PUNTLAND POST