Hindiya oo qirtay in 20 askari looga dilay dagaal dhexmaray iyaga iyo Shiinaha

Ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah, ayaa ku dhimatay iska horimaad dhexmaray ciidamada dalkaasi iyo kuwa Shiinaha ee ku sugan xuduudda Himalaya ee ay isku hayaan labada Waddanka.

Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad xooggan ay u dhexayso labada dhinac, waana kii ugu dhiig daadashada badnaa muddo ka badan 45 sano.

Milateriga Hindiya, ayaa markii hore shaaciyay in saddex askari ay dhankooda uga dhinteen dagaalka, khasaare aan la shaacinna uu soo gaaray dhanka Shiinaha.

Balse, gelinkii dambe ee Talaadada ayaa saraakiil Hindi ah waxa ay sheegeen in askar dhaawac uu kasoo gaaray dagaalka ay geeriyoodeen.

Wasaaradda arimaha dibedda ee Hindiya ayaa ku eedeysay Shiinaha uu jebiyay heshiis ay labada dal gaareen todobaadkii hore ku aaddan xasiloonnida Dooxada Galwan.

Beijing ayaan shaacin khasaaraha dhankeeda soo gaaray, balse waxa ay Dehli ku eedeysay inay ciidamadeeda usoo tallaabeen dhanka Shiinaha.

PUNTLAND POST