Dhooba-daareed: Wasiir Dhabancad wuxuu noqday wixii xunba loo sii dhiib

Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed) ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu ka dambeeyo Hannaanka Muranka dhaliyay ee loo qaybiyay Waaxyaha Magaalada Boosaaso.

Ex. Guddoomiye Dhoobo ayaa Madaxweyne Deni ku eedeeyay in uu isagu qorsheeyay Afarta Waaxood ee loo qaybiyay Boosaaso oo sida uu sheegay Caddaalad-darro ku dhisan islamarkaana Bulshada qaarkood lagu dulmiyay.

Mudane Dhoobo wuxuu sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo dadka qaarkood ku eedaynayaan Barnaamijkaas uusan wax go’aan ah ku lahayn balse uu ahaa qorshe Madaxweynuhu dejiyay oo loo sii dhiibay Wasiirka.

Sidoo kale Wasiir Dhabancad ayuu ku tilmaamay Shakshi aan go’aankiisa ku socon oo wax kasta loo sii dhiibo isagoo xusay in Dhabancad keliya uu ku qaldanyahay in uu wax kasta oo loo sii dhiibo qaado.

Halkaan ka daawo Muuqaalkiisa

PUNTLAND POST